Kala fadhigii 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in lagu soo gaba gabeeyo Muqdisho, waxaana Xiritaanka Baarlamaanka la filayaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.
Wadoyinka Soo gala Xarunta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Saakay gabi ahaanba Xiran, waxaana loo diiday Gawaarida iyo dadka in ay maraan wadooyinka ku xeeran xarunta baarlamaanka dalka taa oo ka dhigan xaqiijinta dhanka ammaanka.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku qul qulaya hoolka baarlamaanka ee ku shiraan ee golaha shacabka.
Radio Muqdisho