Kenya: Kooxda MRC ayaa ka dambeysay Weeraradii ka dhacay Kenya

0
887

KenyaAttack20140617Ciidamada Boliiska wadanka Kenya ayaa bayaan ay soo sareen ku shegay in weeraradii habeen hore ka dhacay degaanada Hindi iyo Gamba ee ay ku dhinteen ku dhawaad 30 qof in ay ka danbayso kooxda MRC (Mombasa Republican Council) golaha Jamhuuridda Mombassa oo horay laga macmnuucay dalka Kenya.

Marki hore weeraradda waxaa loo malaynayay in ay ka danbeyaan Xarakada AL-Shabaab lakiin hada waxaa soo baxaysay in kooxaha weerarka fuliyay ay yihiin MRC Mombasa Republican council golaha jamhuuriyada Mombassa” ayaa lagu yiri bayaan ay soo sareen Ciidmada Boliiska dalka Kenya.

Hadalka Kenya ayaa ku aadan weeraradii ka dhacay gobalka Xeebta ee Kenya ayaa ku soo aaday xili horay Xarakada Dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab ee Soomaaliya ay dusha u dhigatay Masuuliyada weeraradddaasi.

Dhanka kale waxaa maanta lagu wadaa in banaanbaxyo xoogan oo ay dhigayaan Magaalada Nairobi xisbiga Mucaaradka CORD ee uu hogaamiyo Raila Odinga, banaanbaxyaddaasi oo ka dhici dona beerta Uhurru park ee Magaalada Nairobi, halkaas oo kumanaan qof oo Mucaaradka tageersan ay isugu soo baxeen.

Bananbaxyadda oo loogu magacdaray SABA SABA oo micnahedu yahay 7 bisha 7 aad ayay Mucaaradku ku doanayaan in ay dowalada ku cadaadiyaan in ay wadahadal kala gasho arimaha amaanka ee dalka wadatashina laga qayb galiyo Mucaaradka CORD ee Raila Raysul wasarihi hore ee Kenya uu madaxada ka yahay.

Shabelle