Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in bandow 1 bil ah oo ka soo bilaabanaya qorrax dhicii ilaa subixi Magaalada Lamu ee dalka Kenya ku soo rogtay halkaa uu bilihii dambe ay ka dhaceen weeraro kala duwan oo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhaceen ammankeeda uu noqday mid aan la isku haleyn Karin.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in bandowga uu xalayba ka dhaqan galay Magaalada Lamu ee dalka Kenya, waxayna dolwdu sheegtay in uu yahay bandhowga mid lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Kenya gaar ahan gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Bandhowgan ay dowladda Kenya ku soo Rogtay Magaalada Lamu ee dalka kenay ayaa imaanaya xilli dhawaan dagalyahano Al-Shaabab ka tirsan ay ku qaadeen deegaanno Gobolkaasi xeebta dhaca.
Shabelle