Kenya oo sheegtay in Al Shabaab uu dhaqaalo ka helo dhoofinta sonkorta Soomaaliya

0
1008

ShabaabBuleburteSida lagu daabacay wargayska The standard ee dalka Kenya ka soo baxa Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ayaa dhaqaalo aad u badan ka hesha dhoofinta sonkorta sharci darada ah ee Soomaaliya ee loo suuq geeyo wadamadda gobalka ku yaala sida dalka Kenya.

Dhaq dhaqaaqa Xarakada AL-Shabaab waxaa uu dhaqaalo uu ku filiyo howlgaladiisa dalalka Soomaaliya iyo Kenyaba ka helaa Sonkorta xamuulka ah ee aadka u tiro badan, ee Soomaaliya laga dhoofiyo, waxayna arintaasi door muhiim ah uga ciyaartay Xarakada AL-Shabaab in weeraradooda ay ka fuliyaan meelo ka baxsan dalka Soomaaliya oo ay ka dagaalamaan.

Warbixinta wargayska Standard aya sidoo kale waxaa lagu sheegay in Sarakiisha kenyaanka ah ee ka soo horjeesta in ay qataan laaluush ku aadan fududaynta Sonkorta Kenya loo suuq geeeyo la dilo.

Warbixinta Kenya ay soo saartay ee ah in AL-Shabaabka Somaaliya ay dhaqaalo badan ka heleen dhoofinta iyo suuq gaysta Sonkorta Soomaaliya ayaa ku soo adaysa xili warbixin ay horay u saartay Qaramada Midoobay Barnaamijkeedfa degaanka u qaabilsan lagu sheegay in Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ay dhaqaalo badan ka helaan ugaadsiga duurjoogta dalka Kenya.

Shabelle