Guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee Maamulka Degmada Hodan Cali Cabdi Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada amaanka ee Maamulka Degmada ay Saaka howlgallo ka wadaan Waaxda October Xaafadaheeda kala duwan.
Guddoomiye ku xigeenka waxuu tilmaamay in Xaafadaha howlgallada laga wado ay ka mid yihiin Xaafadaha Sooni-Keey, Banaadir iyo Saybiyaano kuwaa oo ku sheegay in lagu soo qab qabtay ku dhawaad 300 Ruux oo lala xiriirinayo Falalka amaanka liddiga ku ah iyo Al Shabaabnimo.
Waxuu sidoo kale xusay in Ciidamada amaanka ee Maamulka Degmada Hodan ay gacanta ku soo dhigeen 6 Ruux oo 3 ka mid ah ay yihiin kuwa Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya ku Dilay Agagaarka Isgooyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho..
Ugu dambeyn, maalmihii dambe ayaa Degaano ka tirsan Degmada Hodan waxaa ka dhacay Falal amaanka liddi ku ah Iyadoona Maamulka Degmada Hodan uu sheegay in Howlgalladan looga gooleeyahay sugida amaanka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Shabelle