Kulan Lagu Tageerayay Isbedelka Dowladda Ay Ku Sameysay Hogaanka Hey’adaha Ammaanka Oo Gaalkacyo Lagu Qabtay

0
905

GaalkacyoKulankani lagu taageerayay isbedelka Dowladda Soomaaliya ay ku sameysay madaxda hey’adaha ammaanka iyo magacaabista Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Iyadoo kulankaasi ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo, haween, dhalinyaro, aqoon-yahano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, iyo marti sharaf kale.

Kulanka intii uu socday dadkii ka hadlay waxa ay muujiyeen sida ay ugu farax sanyihiin isbedelka lagu sameeyay taliyeyaashii Boliiska, iyo Nabad sugida, waxaana ay ka codsadeen mas’uuliyiinta loo magacaabay talisyadaasi in ay ka shaqeeyaan arrimaha loo xilsaaray isalamarkaana ay xooga saaraan dadka waxa ay u baahan yihiin oo ah amni.

Sidoo kale dadkii halkaasi ka hadlay waxa ay hambalyo u jeediyeen wasiirka cusub ee wasaaradda amniga Qaranka Khaliif Axmed Erag kaddib waxa ay ka codsadeen in uu xoogga saaro sugida nabadgalyada islamarkaana uusan ku ekaanin Muqdisho uuna tagaa deegaannada iyo degmooyinka dalka kana howlgalaa.

Radio Muqdisho