Maamulka Galmudug oo ku baaqay joojinta colaadda Caabudwaaq

0
1587

Galmudug20140121Masuuliyiinta maamulka Galmudug, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada ka socda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ugu baaqay beelaha dagaallamay inay ka waantoobaan colaadda, wax walabana ay ku xaliyaan wadahadal.

Wuxuu ugu baaqay odayaasha deegaanka iyo waxgaradka inay ka qeyb qaataan joojinta colaadda iyo sidii looga shaqeyn lahaa nabadda gobolka.

Dagaal beeleed dhawaan ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimasho iyo dhawaac.

Bar-kulan