Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan dib loo howlgelindoono xaruuntii dad dhigista ee magaalada Muqdisho kadib markii lagu soo kordhiyay nidaam cusub.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in maamulka gobolku uu dhawaan dib u bilaabi doono xafiiska dad dhigista ee dowladda hoose.
“waxaa la ogeysiinayaa dhamaan dadka ku nool gobolka banaadir in la soo celiyay adeeggii waaxda dad dhigista, sida warqadaha diiwaan gelinta qoyska, warqadda dhalashada, warqadda sugnaanta, warqadaha nikaaxa iyo furriinka” Sidaasi waxaa yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Afhayeenka oo sii hadlay ayaa sheegay in qorshaha dowladda hoose ee Xamar uu yahay soo celinta dhammaan adeegyadii bulshada, isagoo ku dhiirigeliyay dalladaha waxbarashada iney iska soo diiwaan geliyaan xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Ugu dambeynti afhayeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in adeegaasi uu dhaqsi u bilaabandoono, isagoo hoosta ka xariiqay in la gaarsiin doono dhamaan degmooyinka gobolka.
Radio Muqdisho