Maamulka Jubba oo billaabay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
860

AxmedMadoobe20130911_1Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in uu wado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga samaynayo deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in howlgalka uu maanta ka billowday deegaannada galbeed ee gobollada Jubbooyinka, waxaana fulinaya ciidamo gaaraya kun askari oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Axmed Madoobe ayaa xusay in wejiga koowaad ee howlgalka laga billaabayo deegaannada Buulo-Xaaji, Biroole, Buula-gaduud, Ceengeel iyo deegaano kale oo ku yaalla galbeedka gobollada Jubbooyinka.

Hadalkan ayuu hoggaamiyaha ka sheegay dhoollatus ay maanta magaalada Kismaayo ku sameeyeen ciidamo dhowaan tababar loogu soo xiray Jaamacadda Kismaayo ee duleedka magaalada.

Bar-kulan