Abukar Mardaadi Cabdi Cusman Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ay soo gaareen hub fara badan oo ay leeyihiin Maamulka Seddexda Gobo lee Koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Shabeelle State ayaa cadeeyay in hubkaasi gacanta loo geliyay dhinacyo ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamaayay Gobolka Sh/Hoose. Waxa uuna intaasi ku daray in dagaal dambe oo ka dhaca Shabeelaha hoose ay mas’uuliyadiisa qadeyso Maamulka Seddexda Goboleed Koonfur galbeed Soomaaliya.
“Wuxuu Maamulkeena leeyahay Ciidamo iyo Dareys u gaar ah kuwaasi oo ka howl galaya deegaanada uu ka Arrimiyo Mamulkeena”
Dhanka kale deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha wada daga Gobolkaasi.
Somaliweyn