Madaxda dalka oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Saado Cali

0
974

SadoCali20140723_1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.

Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabad-diidka ah aysan naga leexin karin dadaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka. Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.

********************

R.W Cabdiwali: “Xildhibaanad Saado waxay ahayd wadinyad ay dadka Soomaaliyeed tabi doonaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah maanta ku toogteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga golleeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in kuwa dilkan ka dambeeyey ee gacmaha dhiigga ku leh la dabageli doono ilaa caddaaladda la horkeeno.

“Maanta waxaan dhammaanteen ka murugaysanahay dilkan oo ah xadgudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame,Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sii raaciyey ” Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaanad qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl” ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay mid xaq ah. isagoona tilmaamay in ay geeriyootay xili lagu jiro tobankii ugu khayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.