Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay eedayntii Monitring group

0
873

XasanSheekh20130610Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa gaashanka u daruuray warbixin shalay ay soo saartay Kooxda dabagalka cunaqabataymaha saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea oo ku aadanayd in Madaxweynaha Xasan iyo wasiiraddi hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan, iyo shaqsiyaad kale ay musuq masuqeen hantida qaranka Soomaaliya ee ku xayiran dalka dibadiisa.

“Waxaan naga go’an in aan hormarino maareynta Hantidda qaranka habab kala duwan anagoo adeegsaneyna oo ay ku jirto in aan magacownay guddiga Maamulka dhaqaalaha ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay daabacday wakaalada wararka ee Anadolu Agency.”

Xasan Sheekh Maxmuud aya xusay in guddiga dowladdu ay u magacaawday Maaraynta hantida qaranka uu hormar ka sameeyay maareynta iyo maamulida hantida qaranka Soomaliyeed sida uu sheegay Madaxweyne Xasan .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud aya xusay in dowladiisu ay ka go’antahay soo kasbshada ama dib u helida hantidii qaranka Soomaaliya uu lahaan jiray ee la bililiqaystay ama lagu xayiray dalka dibadiisa.

Xasan Sheekh Maxmuud ayaa intaasi ku daray in dowlada Federaalka Soomaaliya ay sii wadeyso raadinta hantidii qaranka Soomaliya , lakiin waxa uu sheegay in dowladda aysan hayn diiwaan rasmi ah oo ku aadan Hantidda qaranka inta la bililiqaystay iyo goobaha mida xayiran ay taalo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu danbayn waxa uu sheegay in helida ama dib u soo celinta Hantidii qaranka Soomaaliya ay u baahantahay Khabiiro dowladda arintaasi gacan ka siiya.