Madaxweynaha maamulka K/galbeed ee Lixda gobal ayaa diray hanjabaad xoogan taa oo ku saabsan heshiiskii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo sidoo kale maamulka kale ee kasoo horjeeda.
Waxa uu sheegay in Baydhaba laga doonaayo in xubnihii Muqdisho ku shiray inay yimaadaan, waxaana uu sheegay in isaga wax uusan raali ka ahayn aysan socon doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Anaga ayaa maamulana Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, Muqdisho wixii ka dhacay hadaad run moodaan kaalaya Baydhaba imaada, anaga ayaa talaabo idiin ka qaadi donnee”
Siyaasadda guud ee K/galbeed aad ayeey isku bedashay, waxaana laga baqanaayaan in magaalada Baydhabo ay ka dhacaan dagaalo u dhaxeeya Labada dhinac.
Warkii.com