Mareeykanka oo sheegay in 120 askari ka joogaan Somalia

0
913

WhiteHouse(Reuters) -Saraakiil katirsan Ciidamada Mareeykanka, ayaa dusiyay warbixin sir ah, taasoo sheegeysa in 120 kamid ah Ciidamada qaaska Mareeykanka, ay tan iyo sanadkii 2007 ka howl galayeen Gudaha Soomaaliya, iyagoo gacan siinayay Ciidamada Soomaaliya.

Wrbixintan sirta ah ayaa tilmaameysa, in ilaa iyo Doowladii G.W. Bush, ay ciidamada Mareeykanka ka howlgalayeen Gudaha Soomaaliya.

Mareeykanka, ayaan wax ciidan ah usoo dirin Soomaaliya, tan iyo sanadkii 1993, markaasoo 2 Diyaarad looga soo riday Muqdisho 18 askarina looga dilay.

Mareeykanka ayaa in mudo ahba taageero xoogan siinayay Ciidamada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu Gacan xoogan siiyaa Ciidamada AMISOM oo iyagana Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Doowlada Mareeykanka, ayaa horay u sheegtay in Saraakiil tababarayaal ah ay ka joogaan Soomaaliya, balse aysan ka qeyb qadaneen wax dagaal ah.

Warkii