Mareykanka Oo Qabtay Gabdho Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay Iney taageerayeen Shabaab

0
960

flagUSDowladda Maraykanka ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigtay Saddex dumar ah oo lagu eedaynayo in ay taageero maaliyadeed siin jireen malleeshiyadka Al-shabaab ee ka dagaallanta gudaha dalka Soomaaliya sida ay sheegtay waaxda caddaaladda ee dalkaasi.

War qoraal ah oo ay saartay waaxdu ayaa lagu sheegay magacyada Saddexda qof kala yihiin, Muna Cusmaan Jaamac, Hinda Cusmaan dhiirrane iyo Farxiya Xasan.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in sirdoonka Maraykanku baadi goob ugu jiro Fardowsa Jaamac Maxamed iyo Bariira Xasan Cabdulaahi oo lagu eedaynayo dambiyo la xariira argagixiso, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumaalaysanayan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in 5-ta qof oo u dhalatay dalka Soomaaliya ay dhaqaale qarsoodi ah u diri jireen kooxda Al-Shabaab.

Radio Muqdisho