Iyadoo ay maanta tahay maalintii koobaad ee ciidulfidriga ayaa magaalada Muqdisho si weyn oo nabadgelyo leh looga ciidaya, waxaana muuqata in farxadda iyo damaashaadka ciidda an loo kala harin dhallinyaro. Caruur iyo ciroole.
Aroornimadii hore ee saaka ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho waxa soo camiray caruur farabadan oo loo soo labisay islamarkaana heysta qalabka caruurtu ku ciyaaraan, kuwaas oo ay daadihinayaan waalidiintooda oo u qaraabo salaan tegaya xaafado kale.
Gaadiidka dadweynaha, Takaasida iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ayaa aad u shaqeynaya maanta, kuwaas oo dadweynaha kala daabulaya, maadaama ay dadku isbooqdaan maalmaha ciidda.
Ciidamada ammaanka ayaa taagan waddooyinka magaalada, si ay uga hortagaan fal kasta oo liddi ku ah nabadgelyada.
Dhinaca kele madaxda qaranka ayaa salaadda ciidda saaka dadweyne farabadan kula tukanaya Masjidka Isbaheysiga Islaamka, kuwaas oo farxadda iyo damaashaadka ciidda la qeybsanaya ummaddooda Soomaaliyeed.
Radio Muqdisho