M/weynaha Puntland Oo Maanta Kormeeray Qaar wasaaradaha ka mid ah

0
889

CabdiWeli20140207_1Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay Magaalada Garoowe, waxaana Madaxweynaha Kormeerkiisa ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada.

Madaxweyne Dr C/weli ayaa kormeerkiisaan uga dan lahaa in uu u kuurgalo xaaladdaha shaqo ee wasaaradaha, waxaana wasaaradaha uu booqday ka mid ah, Wasaaradda Amniga, Wasaaradda Warfaafinta, wasaaradda haweenka, Wasaaradda shaqada shaqaalaha iyo dhallinyarada iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah.

Markii uu kormeerkiisa ku gudo jiray Madaxweynuhu waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah Xubnaha wasaaradaha, sida shaqaalaha wasaaraddaha iyo Agaasimeyaal, waxaana wararku intaas ku darayaan in dhammaan wasaaradaha la uu tagay wasiiraddii u xil saarnaa aysan goobta xaadir ku ahayn.

Allpuntland ayaa helaya warar sheegaya in Madaxweynuhu aad uga xumaaday gaabiska dhanka shaqada ah ee wasaaradaha ku yimid iyo sida wasiirada qaar aysan xarumahooda uga war qabin, waxaana arrintaani ay sahli kartaa isku shaandhaynta ugu horaysa in wasiirada qaarkood ay xilkooda ku waayaan.

Waa markii ugu horaysay ee tan iyo 8-dii Janaayo oo Xilka Madaxweynaha Puntland loo doortay Dr C/weli Maxamed Cali Gaas uu kormeer noocaan oo kale ah ku tago, xarumaha wasaaradaha Xukuumaddiisa ee Magaalada Garoowe.

Allpuntland