Qaramada Midoobay oo Mallayiin lacag ah ugu deeqday Soomaaliya

0
884

UNFlagQaramada Midoobay ayaa sheegtay in aduun lacageed oo gaaraya $1.4 Million ay ugu deeqday dalka Soomaaliya si wax looga qabto cudurka jadeecadda oo ay sheegtay in Soomaaliya fara ba’an uu ku hayo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee iskuduwida arimaha banii’adanimadda ee OCHA ayaa sheegay in Lacagtan xiligan Soomaaliya loogu deeqay talaal deg deg ah loogu fidin doono 520,000 oo Caruur Soomaaliyeed ah oo da’doodu ay ka hoosayso 5 sano kuwaas oo ku kala nool goballada Banaadir,Koonfur bari gobalka Jubada hoose, iyo koonfurta Maamulka Puntland.

Isku dabaridaha arimaha banii’adanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya Philippe Lazzarini. Ayaa shegay in cudurka jadeecada uu aad u sii fidiyo dalka Soomaaliya xiligan loona baahanyahay in wax laga qabto.

Philippe Lazzarini ayaa xusay in 5 tii Caruuur ah ee Soomaaliya uu mid ka mid ah uu dhinto xiliga uu dhalanayo uuna u dhimanaya cuduradda ay ka mid tahay cudurka Jadeecadda.

Qaramada Midoobay ayaa warbixinteeda ku xustay in 1,350 kiis oo Cudurka Jadeecadda la diiwaan galiyay bilaha kala ah March iyo April ee sanadkan 2014 halka 1,000 kiis oo ka mid ah la diwaan galiyay bisha May oo kaliya sida laga soo xigtay Hay’adda caruurta u qaabilsan Q/M ee UNISEF.

Dr. Ghulam Popal, oo ah u qaabilsanaha Ururka Cafimaadka aduunka ee (WHO) dalka Soomaaliya ayaa sheegay cudurka jadeecadda ee xilgan Soomaaliya ka dilaacay ay tahay arin walwalkeeda leh waana in la qadaa talaabooyin lagu cirib tirayo ayuu hadalkiisa ku sii daray Popal,

Qaramada Midoobay ayaa tiro ka dhowr jeer ka digtay xaaladaha Bauni’aadanimo ee Soomaaliya waxa ayna Qaramada Midoobay markasta hal qabsataa in laga cabsi qabo in Soomaaliya markale ay ka dilcaado abaartii sanadkii 211 ku dhufatay.

Shabelle