Qaraxani oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha, Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka dhashay Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge, ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Xoogan islamarkaana Suuqa Bakaaraha lagula eegtay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa uu waxyeelo u geystay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhiigley halka Wararka qaarna ay tilmaamayaan in Taliyaha uu ka badbaaday balse uu Qasaaro bur bur ah soo gaaray Gaariga uu watay Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhiigley.
Ilaa iyo hada lama oga Qasaaraha dhabta ee ka dhashay Qaraxan Miino ee Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wardhiigley lagula eegtay Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag.
Qaraxan ayaa waxuu qeyb ka yahay kuwa inta badan Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya lagula eegto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Warkii