Qarax Xoogan oo Caasimada wada qabsatay oo Hada kadhacay Muqdisho

0
1025

DegmadaXamarWeyneWar goor na soo gaarey waxaa uu sheegayaa in Qarax Gaari lagu xiray uu ka dhacay Al baabka hore Ee MCH ka Degmada Xamar weyne Ee Gobolka banaadir Qaraxaas oo laga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Iridka MCH ka waxaana laq sheegayaa in uusan Geysan wax Khasaare ah oo soo gaaray Dadkii ka agdhawaa Goobta sida ay Noo xaqiijisay Mid ka mid ah Dhaqaatiirka MCH ku sugan waxaana la sheegayaa in uu ahaa Gaari yar oo Nuuca Raaxada ah.

Qaraxa ayaa qayb ka ah Falalka amaa darada ku sii kordheysa Magaalada Muqdisho Maalmahaan Dambe oo al shabaab ay geysanayaan waxaana la sheegayaa in hada Goobta ay gaareen Ciidamada amaanka Degmada kuwaa oo Goobta qaraxu ka dhacay Xiray.

Wali Ma jiro Mas,uul ka hadlay Qaraxa xamar weyne ka dhacay dhawaana ayayna ahayd markii Degmada xamar weyne lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan xayd horana mid kale ayaa qarax lagu dilay degmadaas tan iyo Markii Maamulkii hore Xilka laga qaadayna Degmada Xamar weyne amaankeedu waxaa uu u muuqanayay mid la mid ah xaafadaha qaar Degmooyinka wuqooyi oo dilalka iyo weeraradu ku badan yihiin.

Warkii