Qaraxyo Qasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0
922

Qarax20140102_1Qaraxyada oo ahaa ilaa iyo 3 Qarax ayaa siyaabo kala duwan waxaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu eegtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa 1-aad oo ahaa Bamboono ayaa waxaa lagu weeraray Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyadoona la sheegay in uu ka dhashay Qasaaro kala duwan.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxa kadib Ciidamada DFS ay fureen Rasaas Xoogan taa oo aan la shaacin Qasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd Xili Habeen ah.

Qaraxa 2-aad ayaa waxuu ka dhacay Fariisin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Nawaaxiga Wasaarada Gashaadhigga waxaana la tilmaamay in uu ku geeriyooday 1 Askari islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray labo kale.

Qaraxa 3-aad ayaa waxuu ka dhacay Nawaaxiga Isgooyska Ifka Xalane kaa oo lagu beegsaday Saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyadoona la sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay Qasaaro kala duwan inkastoo aan wali la cayimin.

Ilaa iyo hada majirto Cid ka hadashay Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoona ay ku soo aadayaan Xili Madaxweyne Xasan uu ku dhawaaqay in la bilaabay howlgallo loogu magacdaray Nabad ku Afur.

Shabelle