Qaraxyadan oo ahaa Bambanada gacanta laga tuuro ayaa Kooxo hubeysan waxaa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka KMG ah ee Juba kuwaa oo ku sugnaa Bar-Koontarool ku yaala Magaalada Kismnaayo.
Qaraxyadan Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba lagula eegtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ka dhashay Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan wali la cayimin.
Ilaa iyo hada lama oga Qasaaraha dhabta ee ka dhashay Weeraradan Qaraxyada ahaa oo Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Majiro hadal ka soo baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba kaa oo ku aadan Qaraxyadii Xalay Ciidamada Maamulkooda lagula eegtay Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubada Hoose.
Shabelle