Qaraxyo Xoogan ayaa Xalay sida loo sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa ay Siyaabo kala duwan uga dhaceen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa Bamboono ayaa lagu tuuray Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir waxaana halkaasi oo ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya waxaa ay fureen Rasaas Xoogan oo aan wali la shaacin Qasaaraha kala duwan ee ka dhashay inkastoo Kooxaha Weerarka geystay ay baxsadeen.
Taliye ku xigeenka Booliska Saldhiga Degmada Dharkenley oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Qaraxa uusan ka dhalan wax Qasaaro ah islamarkaana tilmaamay in Ciidamada Booliska Saldhiga Galbeed ay ku howlan yihiin soo qabashada Kooxahaasi.
Sidoo kale, Dabley hubeysan ayaa Xalay Qaraxyo kala duwan waxaa ay ku weerareen Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha, Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Ilaa iyo hada lama oga Qasaaraha dhabta ee ka dhashay Qaraxyada siyaabaha kala duwan Xalay uga dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Shabelle