Hal qof ayaa ku dhintay mid Kalena wuu ku dhaawacmay dagal xalay saqdii dhexe maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ku dhex maray fariisin ciidanka dowladdu ay ku leeyihiin dhinaca bari ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Qof-ka dhintay iyo kan dhaawacmayba waxa ay ka tirsanaateen dhinacyada dagaallamay.
Sargaal u hadlay ciidanka dowladda oo diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Bar-kulan in maleeshiyada Alshabaab ay soo weerareen saldhigga ciidanka, balse ay iska caabiyeen.
Wuxuu tilmaamay inay ka guuleysan doonaan maleeshiyada Alshabaab.
Dhinaca kale magaalada Jowhar ayaa habeenkii saddexaad ka dhaqan galay bandow ay kusoo rogeen ciidanka dowladda, kaasoo la sheegay inuu qeyb ka yahay sugidda magaalada.
Bar-kulan