Qorshaha dowladda ee isgaarsiinta dalka oo la faah-faahiyay

0
753

MohamedIbrahimMinistryOfTelcomAli20140520_1Wasiiradda isgaarsiinta iyo boostada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisey shir looga hadlayo sida ugu habboon ee ay u wada shaqayn karaan dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay, kaas oo ka furmi doona magaalada Nairobi.

Wasiirka isgaarsiinta iyo boostada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in kulankan qayb ka yahay qorshe lagu kobcinayo isgaarsiinta Soomaaliya oo socdey seddex bilood.

Shirka ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey bankiga Adduunka, waxaana lagu dhisay guddi khuburo ah oo ka kooban toddobo xubnood, kaas oo dowladda kala shaqayn doona horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee ay u wada shaqayn karaan dowladda iyo shirkadaha isgaarsiinta.
Xubnaha guddiga khuburrada ah ayaa u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Ingiriiska, Australia, Jarmalka, Mareykanka iyo Kenya.

Shirka ayaa socon doona muddo saddeex cisho ah, waxaana la filayaa in laga soo saaro xeer ay ku wada shaqayn karaan dowladda iyo shirkadaha isgaarsiineed ee ka jira dalka.

Bar-kulan