Ra’isul Wasaaraha Dalka Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay In Dalka Ay Gaarsiiyaan Doorasho Xor ah

0
810

Abdiweli20140518_5Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Weli Sheekh Axmed Maxamed oo shalay ka qeyb galayay Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa rajo ka muujiyey In Xukuumaddiisa ay ku guuleysato in dalka ay gaarsiiso marxalad doorasho ah marka la gaaro sanadka 2016ka.

C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in ay wadaan dadaalo dalka ay ku gaarsiinayaan in doorasho xor ah ay ka dhacdo islamarkaana dadka shacabka ah ay soo dooranayaan cida ay rabaan oo matali laheyd.

Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ugu jawaabayay dhageystayaasha su’aallo ay soo weydiinayeen ayaa sheegay in ay marnaba aysan dhici doonin qof dambiila in shacabka lagu sii daayo, waxaana uu tilmaamay in lagu qaadi doono sharciga, waxaana shacabka uu ugu baaqay in ay dhiiradaan oo ay soo sheegaan dadka ku dhex dhuumanaya ee dhibaateynaya umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxa uu soo hadal qaaday war dadka ay isla dhex marayeen oo ku saabsanaa xadka dhanka badda ah ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in wax hishiis oo ku saabsan arrinkaasi aysan galin, laakiin waxa uu xusay in ay u gudbiyeen xadka badeen umadaha midoobay gaar ahaan qeybta ku shaqada leh xuduuda.

Radio Muqdisho