Saddex Markab oo Somalia leedahay oo loo xukumay ganacsade Yameni ah

0
872

markabSomaliMaxkamad ku taalla dalka Yemen, gaar ahaan magaalada Cadan ayaa si rasmi ah ugu wareejisey ganacsade reer Yeman ah 3 Markab oo ay laheyd dowladda Soomaaliya, kuwaasoo muddo ay socotay dacwaddoodu.

Maraakiibta saddexda ah ee loo xukumay ninkaan Yameniaga ah ayaa kala ah: Faarax Oomaar, Cismaan Geedi Raage iyo 21-ka Octoobar III.

Saddexdaan Markab ayaa ka baxay ganacta dowladda Soomaaliya, kadib markii loo xukumay ganacsadaha Yemeni, kaasoo maraakiibtan ku yeeshay lacag deyn ah oo gaaraysa $2 milyan oo doollarka Maryeknka ah.

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan, Axmed Xasan Cabdi (Axmed Suudaani) ayaa xaqiijiyey in 3-daas Markab loo xukumay ganacsade Yameni ah, lana doonayo in la iibiyo ee lacagtii ninkaasi ku sheegtay laga siiyo.

“Waxaan xil weyn iska saarnay in go’aanka maxkamadda soo saartay ee ah in maraakiibta la iibiyo laguna wareejiyo ganacsadaha deynta ku sheeganayay aan horjoogsanno, waxaana ka qaadannay racfaan ka qaadananay xukun ay maxkamaddu horay u soo saartay, waxaana arrinta ku wargelinnay dowladda Soomaaliya, balse laguma guuleysan in wax laga qabto arrintan,” ayuu yiri Axmed Xasan Cabdi (Axmed Suudaani) oo u warramayay VOA.

Qunsulka ayaa xusay in shaqaalihii saarnaa 3-da markab laga dejiyey, la isuguna geeyey markab kale oo Soomaaliya leedahay, wuxuuna dowladda ka codsaday iney arrintaas wax ka qabato.
“Shaqaalihii saarnaa 3-da Markab waa laga dejiyey iyadoo laga duulayao go’aanka maxkamadda, waxaana la isugu geeyey markab kale oo soo haray oo lagu magacaabo 21-ka Oktoobar I. waxaana rajeynaynaa in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ku habboon arrintan qaadan doonto si lagu badbaadiyo maraakiibtan, maadaama ay yihiin hanti ay Soomaaliya leedahay,” ayuu yiri Axmed Suudaani.

Markii dalka Soomaaliya burburay sanadkii 1991-kii ayaa markaabiibtaan baxsad ku tageen dalka Yemen, waxaana muddo dheer gacanta ku hayey ganacsade lagu magacaabo Saciid Muunye, kaasoo markii dambe laga wareejiyey.

Maraakiibtaan ayaa muddo dheer yaalla dekedda magaalada Cadan, halkaasoo dhibaato ba’an ku heysatay, waxaase soo kordhay dawadda uu ninkaas Yemeniga ah kusoo oogay ee ah inuu lacag ku leeyahay.

Warkii.com