Safiir Cali Ameriko oo Isbitaalka Ku Booqday Gabar Soomaaliyeed oo Dhibaateysan, Deeq Lacageedna Gaarsiiyay

0
975

CaliAmerica20140719Safiirka dowlada Soomaaliya u Fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nur Ameriko ayaa isbitaalka Nairobi East ee xaafada Islii ku booqday deeq lacageedna gaarsiiyay gabar soomaaliyeed oo iska ka soo dhacday dabaq sedax biyaano xili ay ka carareysay ciidamada ammaanka dalka Kenya oo howl gal ka waday Xaafada Islii bilihii March iyo April ee sanadkan.

Gabadhan oo lagu Magacaabo Huda C/llahi Nuur ayaa 27-kii April ee sanadkan 2014 ka soo dhacday dabaq sedax biyaano ah xili ay dooneysay in ay ka dhuumato askarta Kenya,waxana ay ka jabtay lugta midig,iyadoo sidoo kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen xabadka iyo dhabarka.

Aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo C/llahi Nuur Axmed ayaa sheegay in ku dhawaad mudo sedax bilood ah uu gabadhan kula jiray isbitaalka laguna yeeshay lacag dhan ilaa 5000 oo doolar.

C/llahi Nuur Axmed oo ah aabaha dhalay gabadhaasi ayaa sheegay in sababo la xiriira lacagtaasi uu ku yeeshay isbitaalka oo uusan iska bixin Karin ay sababtay in uu isbitaalka ka saari waayo gabadha oo hada xalaadeeda caafimaad ay wanaagsantahay.

C/llahi Nuur Axmed ayaa u mahad celiyay safiirka iyo dadkii soomaaliyeed ee gacanta ka geystay bixinta lacagtaasi deynta ah oo lagu lahaa maadaama uu iska dan yaryahay.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa u mahad celiyay dadkii soomaaliyeed ee gacanta ka geystay sidii gabadhasi ay isbitaalka uga bxii lahayd,waxuna ummadda soomaaliyeed uu ugu baaqay in la gargaaro dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.