Somaliland oo sheegtey in ay soo qabatey Gaarigii Cali Khaliif galeyr iyo…

0
1082

CaliKhaliifInBuuhoodleWarbaahinta Soomaaliland ayaa baahisay, war qoraal ah oo ay sheegen inuu ka soo baxay ciidanka Soomaaliland,kuwaaso sheegay inay gacanta ku dhigeen gaarigii gaarka ahaa ee Cali Khaliif Galayr iyo darawalkii u waday.

Cali Khaliif Galayr oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaannada Puntland ayaa shalay dib ugu laabtay gobalka Sool.

Warka ka soo baxay ciidanka Soomaaliland,waxaa ay ku sheegen howlgal ay ka sameeyen degmada Saaxdheer inay ku soo qabten gaariga iyo darawalkii waday,balse ma aysan sheegen Cali Khaliif Galayr halka uu ku sugan-yahay.

Ciidamadda Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay inney gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah ilaaladii khaaska aheyd ee Cali khaliif Galayr,waxaana gaariga iyo ilaaladii la socotay loo ka xeystay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Cali Khaliif Galayr,mana jiro war madax banaan oo cadeynaya warkan ay ciidanka Soomaaliland ku sheegen inay gacanta ku dhigeen gaariga Galayr iyo ilaaladiisi gaarka ahayd.

Warkii