Tahriibayaal Soomaaliyeed Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Caasimadda dalka Yeman ee Sanca

0
1034

SaudiYemenBorderInta la xaqiijiyey ku dhawaad Lix ruux oo Tahriibayaal Soomaali ahaa ku geeriyooday 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo Qarax ka dhacay Magaalada Caasimadda dalka Yeman ee Sanca.

Qaraxaan oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ka la qarxay mid ka mid ah Labo Gaari oo bas ah oo ay saarnaayeen Tahriibayaashaan Soomaaliyeed, waxaana lagu soo warramayaa in ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalada Magaalada Sanca.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogganaa ayaa lagu soo warramayaa in Tahriibayaashii qaar ka mid ah la la’yahay illaa hadda halka kuwa dhaawacmay ay galeen Xaalad miyir doorsoon (Comma) ah.

Labada Gaari ee Basaska sidayna Tahriibayaashaan Soomaaliyeed ayaa kusii jeeday gobolada Dalka Yeman ee Xuduudka la leh Dalka Sucuudiga si ay halkaasi ugu sii tahriibaan.

Ugu dambayntii Booliiska Magaalada Sanca ayaa shaaciyey Qaraxaan ay ku geeriyoodeen Tahriibaashu, waxaana Booliisku ay sheegeen in dadka Bad-qaba ay gacanta ku hayaan.