Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

0
880

MaxamedSheekhXasan20140720Munaasabadaan uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Cismaan oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amiga Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed, qaar ka mid ah taliyaashii ciidanka booliska iyo sidoo kale taliye ku-xigeenka booliska AMISOM.

Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Xasan Cismaan ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto C/xakiin Daahir Siciid “Saacid”, Isagoo codsaday inay la shaqeeyaan, maadaama xil culus loo dhiibay.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa xusay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Taliyaha cusub, waxaana uu u mahadceliyay saraakiisha la soo shaqeysay intii uu xilkan hayay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ibraahim Isxaaq Yarrow ayaa uga mahad celiyay Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed howshii adkeyd ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, Isagoo kula dar daarmay Taliyaha cusub inuu halkiisa kasii wado saraakiisha kalana ugu baaqay in ay la shaqeeyaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Jeneraal Maxamed Xasan Cismaan loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana looga fadhiyaa in uu la yimaado isbadal muuqda oo xagga amniga ah.