Toban qof ayaa kudhimatay tiro kalena wey kudhaawacmeen dagaal ka dhashay dhul beereed oo saakay ka dhacay deegaanka Deefoow oo 39 Km dhinaca woqooyi galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu kusoo warramayo wariyaha Bar-kulan ee gobolka Hiiraan.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa u badan dhinacyadii dagaallamay, lix kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baladweyne.
Qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka ee magaalada Baladweyne ayaa wada dadaallo lagu joojinayo dagaalka.
Masuuliyiinya maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan wali ma aysan ka hadlin dagaalka.
Bar-kulan