Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray Kismaayo

0
882

KismayoCityWafdi ka socda midowga Yurub ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xubnaha wafdiga, waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, sida uu kusoo warramayo wariyaha Bar-kulan ee Kismaayo.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka KMG ah.

Wararkeenna dambe ayaad ugu bogan doontaan wixii ka soo baxa kulamada ay yeelanayaan wafdiga iyo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba.

Bar-kulan