Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay isla garteen in lafududeeyo xinnibaad kutimid ganacsiga ka dhexeeyay somaliland iyo Jabuuti, tan iyo bishii May ee sanadkan, markaasoo qarax Ismiidaamin ahaa oo ay dad ku dhinteen ka dhacay magaalada Jabuuti.
Laba qof oo qaraxa fuliyay ayaa la sheegay inay ka gudbeen xadka dalka Jabuuti uu la wadaago Somaliland.
Warancade ayaa sheegay inuu lasoo kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha wasiirrada Jabuuti ayna isla garteen in dib loo fasaxo ganacsigii ka dhexeeyay labada dhinac.
Wuxuu tilmaamay inay billaabatay in xannibaadda laga qaado gawaari xamuul ah oo u socday Jabuuti oo ku xayirnaa xadka Somaliland uu la wadaago dalka Jabuuti.
Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in sidoo kale uu madaxda dalka Itoobiya kala hadli doono sidii dib loo furi lahaa ganacsigii kala dhexeeyay.
Bar-kulan