Wariyeyaal Dil iyo Dhaawac loogu geystay Muqdisho

0
914

TargetingAssasinationSida ay sheegtay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Ugu yaraan 1 Ruux ayaa dhintay, labo kale dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Kooxo hubeysan ay ku Weerareen Wariyeyaal ka howgalayay Muqdisho Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa sheegay in Gaari ay wateen Suxufiyiintan lagu horgooyay Gaari kale islamarkaana Rasaas Ooda looga qaaday waxaana la sheegay in halkaasi uu ku dhintay 1 Suxufi labo kale uu dhaawac ka soo gaaray Weerarkaasi.

Dhaawaca labada Suxufi ayaa lagu soo waramayaa in loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho halkaasi oo Xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.

dhinaca kale, Warar is qalaafsan ayaa sheegaya in Dadkan la weeraray ay ahaayeen Askar ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya halka kuwa kalena ay sheegayaan Suxufiyiin balse waxaa ilaa iyo hada lagu wareersan yahay Dadka ay yihiin Dhalinyaradan Saaka lagu weeraray Xamar Jajab.

Warkii