Wasiir Goodax oo sheegay in 60 Cisho lagu dhisi doono Maamul Goboleedyo ay yeeshaan Mudug iyo Galgaduud

0
943

HeshiiskaGoboladaDhexe20140730_6Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Shalay ka hadlayay Kulan ballaaran oo Dowladda ay ku sheegtay in ay Maamul ugu dhisayso Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in dhismaha Maamulkaasi lagu soo gabagabeyn doono muddo 60 Cisho ah, Xukuumadda Soomaaliyana ay qabaneyso Shirweyne la isugu keenayo Beelaha degga Goboladaasi.

Sikastaba, hadalka , Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu imaanayaa Xili Maamul u sameynta Goboladaasi ay gacan weyn ka geysanayaan Beesha Caalamka iyadoona xusid mudan in Dowladda Soomaaliya muddo ka hor shirweyne ceenkan oo kale ay u qabatay Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose kaa oo ka dhashay sameyntiisa Khilaaf Siyaasadeed.

Shabelle