Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga H.E. José Manuel García-Margallo oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kahor inta aanu ka ambabaxin garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho , waxa uu shir jaraa’id ku qabtay qeybta VIP ee gegida , waxa uu sheegay in dowladda Spain oo ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya uu kala hadli doono danaha wadaagga ah ee labada dal iyo inay Soomaaliya ka caawiyaan dhinacyada ammaanka iyo caafimaadka.
Wasiir Beileh , mudada uu joogo Magaalada Madrid waxa uu kulamo kala duwan la kala yeelan mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Spain oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee dalkaasi oo ay isla faaqi doonaan arrimo badan oo horumarinaya iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.
Waxaa xusid mudan in Dowladda Spain oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Xoogagga Ururka Isbaheysiga Waqooyiga Atlantic “NATO” ay saraakiisheeda ka qeyb qaataan tababaridda ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , ayna gargaar bani’aadanimo u fidiso Shacabka Soomaaliyeed , iyadoo u sii marisa barnaamijka cunnada adduunka “WFP”.