Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Madrid ee Caasimadda dalka Spain Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi H.E. Pedro Morenés oo ay ka wada hadleen horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal ka dhaxeeya iyo iskaashiga dhinacyada milatariga, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda.
Labada Wasiir , ayaa kulankooda ku faaqiday qodobo muhiim u ah danaha wadaagga ee labada dal, waxaana ka mid ahaa taageeridda ,tababaridda,tayeynta iyo qalabeynta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ku dhammaaday jawi sare oo isfaham leh, ayaa waxaa labada Wasiir ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay nabad waarta oo laga dhaqan geliyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxaa lagu tilmaamaa booqashadiisa rasmiga ah ee Wadanka Spain middii ugu horeysay Wasiir ka tirsan dowlad Soomaaliyeed oo booqda dalkaasi muddo 50 sano kadib.