Wasiirka Arrimaha gudaha iyo mas’uuliyiin kale oo caawa bulshada kula afuray mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banadir

0
837

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir oo uu ka midyahay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka benaadir ayaa caawa Degmada Warta Nabadda kula Afuray qebaha kala duwan ee bulshada degmadaasi ku dhaqan, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka Nabad ku Afur.

Dhalinyarada degmada Warta Nabadda ayaa halkaasi ku soo bandhigay cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, iyadoo mas’uuliyiintii ay ka qeyb qaateen cayaarahaasi hidaha iyo dhaqanka.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Yaasiin Nuur Ciise oo kulanka Nabad ku Afur ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in caawa degmadu ay kula afuraan Mas’uuliyiin uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Kulanka Afurka ah kaddib waxa ay Mas’uuliyiinta uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha ay kormeereen Isgoysyada Cali Kamiin oo ay in xoogaa ku hakadeen, Baar-Ubax iyo Jidka Warshadaha oo ay kula kulmeen dhalinyaro halkaasi ku caweyneysay oo ay kala qeyb qaateen madaxdii kormeerka halkaasi ku tegtay, waxayna kormeerkooda ku soo gabo gabeeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha. ee dhanka Degmada Heliwaa halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiil ka tirsan cidamada amniga.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi oo la hadlay mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay farxad u tahay kormeerka ay caawa ku tegeen xaafadda Suuqa xoolaha ee dhanka degmada Heliwaa, isagoo uga warbixiyay xaaladda amni ee degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muugaab” oo sheegay in kormeerkooda ay ka soo bilaabeen Warta Nabadda ayaa tilmaamay in ay ku soo gabo gabeeyeen xaafadda suuqa Xoolaha ee dhanka Degmada Heliwaa, isagoo ciidamada amniga uga mahadceliyay sida ay u adkeeyeen xoojinta amniga.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in kormeerka ay ku tegeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka uu qeyb ka yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen qorshaha Nabad ku Afur ee uu Madaxweynuhu ku baaqay, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amniga

Kormeerka Wasiirka arrimaha gudaha iyo mas’uliyiintii ay la socdeen ee ay ku tegeen qeybo ka mid degmooyinka Gobolka benaadir ayaa waxa uu u jeedkiisu ahaa sidii ay ku ogaan lahaayeen xaaladda amni ee ka jirta Caasimadda.

Radio Muqdisho

Afur20140702_4 Godax20140702_1 Afur20140702_1 Afur20140702_2 Afur20140702_3