Wasaaradda Qordheeynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay iney bil gudaheed kusoo bandhigi doonto tirada rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah Siciid C/llaahi Dani ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradu ay tirakoob ku sameeysay dadka Soomaaliyeed islamarkaana ay bil gudaheed kusoo bandhigidoonto, isagoo xusay in tirakoobka ay ka gacan siisay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tirakoobka.
“Dowladda Soomaaliyeed muddo badanbey ka fekereysay iyadoo la kaashaneysay hey’adaha UN-ka ee qaabilsan tirakoobka aduunka, wax badanbaa ka qabsoomay howlbadana waa laga qabtay waxaana rajeyneynaa in bil gudaheed lagu soo bandhigidoono tirakoob hordhac ah oo aan la oran karin waa kii ugu dambeeyay oo dalka Soomaaliya laga qabto” ayuu yiri Wasiirka qorsheynka Siciid C/llaahi Dani.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in tirakoobka dadka Soomaaliyeed uu gundhig u yahay horumarka dalka iyo doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan sanadka 2016-ka.
Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in tirakoobkani uu fududeyndoono qorshe kastaoo horumarineed oo dalka laga fulinayo hadeey ahaan laheyd qorshahe kaabayaasha dalka ama qorshaha ku saabsan arrimaha bulshada sida caafimaadka.
Ku dhawaad 30 sano ma jirin wax tirakoob ah oo lagu sameeyay dadka Soomaalida iyadoo dowladda Soomaaliya ay hiigsaneyso in dalka ay ka dhacaan doorashooyin guud .
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta ay ku asteysantahay maalinta tirakoobka adduunka.
Radio Muqdisho