Weerar xoog leh oo lagu qaadey Villa Somaaliya

0
978

VillaSomaliaWarar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan sida la sheegay Al Shabaab in ay weerar xoog leh ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaa in Weerarka uu ka dhacay Albaabka Madaxtooyada Soomaaliya waxaana la sheegayaa in uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya Kooxa hubeysan iyo kuwa Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma cada qasaaraha ka dhashey weerarkan, hase yeeshee waxaa la sheegey inuu yahay weerar qorsheysan oo madaxtooyada dhinac kastaba laga soo galey.

Waxaa sidoo kale la sheegey in Madaxweynaha aanu ku sugneyn villa Somaliya waqtiga weerarka la qaadey, asagoo ku maqnaa airport oo uu kula shiraayey wafdi oo halkaasi ku sugnaa.

Xaalada madaxtooyada ayaa ah mid qasan, oo ilaa iyo aan la ogeen qasaaraha halkaasi ka dhacey.