Weeraro iyo Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho

0
786

QaraxMuqdisho1Weeraradan iyo Qaraxyadan maanta siyaabaha kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lala beegsday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Barqanimadii maanta ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa waxaa Qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Qaraxaasi oo ahaa miinada laga hago Rimuut Koontoroolka Iyadoona aan cadeyn Qasaaraha ka soo gaaray Ciidamada AMISOM Qaraxaasi.

Sidoo kale, waxaa Iska horimaada Xoogan uu Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo lagu tuhmay Ururka Al Shabaab.

Iska horimaadkan ayaa bilaawday ka gadaal markii Kooxihii hubeysnaa ay Weerar Xoogan ku qaadeen Fariismo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa maanta Qarax nuuca gacanta laga tuuro waxey ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Garaash u dhow Isgooyks Baar Ubax sida Saraakiil ka tirsan Dowladda ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Geesta kale, Barqanimadii maanta ayaa Mas’uul ka tirsan Dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxuu ka badbaaday isku day Dil kadib markii Gaarigiisa loogu soo xiray Walxaha Qarxa taasi oo bur bur xoogan gaarsiiyay Gaarigiisa Iyadoona Gaarga uu ku qarxay Nawaaxiga Bangigii hore ee Ganacsiga ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in Qaraxa kdib ay goobta soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaa oo sameeyey howlgallo dhanka amaanka inkastoo wali aysan jirin Cid loo soo qabtay Weerarkaasi.

Weeraradan iyo Qaraxyadan maanta siyaabaha kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Shalay Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay Albaabka hore ee Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Iyadoona Al Shabaab ay dhabarka u riteen Mas’uuliyada Weerarkaasi.

 

Shabelle