Xildhibaan Dalxa: ”Ammaanka Mudanayaasha Baarlamaanku waa mid dayacan”

0
872

Dalxa20130619Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ammaanka xildhibaanada uu aad u dayacan yahay.

Mudane Dalxa ayaa ku nuux nuuxsaday in aanu jirin wax Masuuliyad aad u buuran oo dowladdu iska xil saartay ammaankooda taas oo uu ku micneeyay sababta mar kasta loo bartilmaamsado Xildhibaanada.

Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la sheegaa in ay leeyihiin ama wataan gaadiidka aanu xabada Karin ee loo yaqaan Bulaburuuf halka Xildhibaanadu ay saaran yihiin gawaari meel fog fog xittaa laga beegsan karo.

Shalay ayey ahayd markii Mudano ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dil loogu geystay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shabelle