Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin adag waxa uu u diray Madaxda ugu sareysa DF.
Waxa uu sheegay in marka hore waxa laga xumaado ay tahay amaanka Muqdisho oo aad usii xumaaday, waxaana uu sheegay in habeen iyo maalin ay ku dadaaleen sidii wax loo bedali lahaa ka Xildhibaano ahaan.
Hase ahaatee taa bedalkeeda ayuu sheegay inay kula xisaabtami doonaan Madaxda ugu sareysa DF sida madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wax ka qabashada amniga Muqdisho.
“Miiska ayeey noo saaran yihiin madaxda sare ee dowladda Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, sidoo kale waxaa miiska noo saaran Hay’adaha amaanka, kaliya dad in lasoo xir xiro maahan, ee maxaa wax loogaa qaban la yahay amniga xumaaday ee Muqdisho”
Warkii