Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Dadka Degga Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose aysan u dhameyn islamarkaana aanu ku qanacsaneyn Maamul la sheegay in Dowladda ay ka sameeneyso Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose.
Xildhibaanka oo la hadlay Shabelle ayaa soo hadal qaaday in Maamulkaasi aysan u dhameyn Dadka Degga Goboladaasi islamarkaana Dowladda ay sheegtay in Maamul loo sameenayo balse Dadkaasi aysan ku qanacsaneyn.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxuu imaanayaa Xili dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay dood dheer kadib Dadka degga Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose in ay isku raaceen in Maamul 3 Gobol loo sameeyo kaa oo lagu magacaabo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shabelle