Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa in ay ku Dileen Xaafada Nation-link, Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaankan oo hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG Soomaaliya laguna magacaabi jiray Cumar Bagadi ayaa Dabley Bistoolado ku hubeysan waxaa ay ku toogteen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Dilka Cumar Bagadi, oo ahaa Xildhibaan hore uga mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Howlgallo dhanka amaanka uu ka socdo Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kaa oo lagu baadi goobayo Kooxihii Dilay Xildhibaan Cumar Bagadi
Sikastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu Dilay inka badan 50 Ruux oo isugu jira Askar, Saraakiil, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Shabelle