Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo si kulul u weeraray Madaxda Dowladda Soomaaliya

0
903

Dalxa20130619Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu si xoogan uu Madaxda Dowladda ugu eedeeyay inay meesha ka saareen, awood qaybsigii ay Dowladdu ku dhisneed.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegaaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya uu u dhaxeeyo loolan Siyaasadeed, isla-markaana uu midba midka kale ee ku dhow uu xil u soo magacaabaayo.

“Awood qaybsigii Dowladda ku dhisneed waa lumay, maxaa yeelay Madaxdii Dowladda ugu sareysay, oo loolan Siyaasadeed ka dhaxeeyo, ayaa waxay keentay qofba qofka ku xigga inuu xilalka u magacaabo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaanka oo la hadlaayay Idaacada SKY NEWS, ayaa yiri “Waxaad arkeysaa Taliye in xilka laga qaado oo loo dhiibo Taliye kale, oo Madaxda Dowladda midkood uu wato, oo aan ku beel ahayn Taliyihii xilka laga qaaday.”

Madaxdu wuxuu ku dhaliilay inay iyagu magacaabayaan xil kastaa oo la magacaabaayo, iyagoo markasi ku soo magacaabaaya nin jecleysi iyo eex.

“Xilalka la magacaabaayo oo dhan waxaa magacaabaaya Madaxda Dowladda, waxayna ku magacaabayaan ina adeer, ilmo abti iyo xidad wadaag.” waxaa sidaasi yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Prof. Dalxa, ayaa qaba in Cadaalad daro weyn oo jirta awadeed ay dhalisay, in uu lumo hanaankii awood qaybsi, ee lagu soo askumay Dowladda Federalka ee Soomaaliya (Dowladda maanta jirta).

“Dulmi iyo Cadaalad daro weyn oo jirta, ayaa waxay sababtay inuu lumo awood qaybsigii ay Dowladda Federalka ee Soomaaliya ku dhisneed.” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Wuxuu kaloo yiri “Haddii ay sii socoto Cadaalad daradaan waxaa laga yaabaa inay keento dhibaato ka daran midda aan hadda ku jirno. Waxaan dhammaanteen ognahay dhibaatada aan ku jirno inay ka dhalatay Cadaalad daro horey u jirtay.”

Warkii