Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay dhiiragelinta Al Shabaab

0
932

GuddigaSW3_6Kadib markii Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqeen Guddi Farsamo oo ka kooban 18 Xubnood in ay Maamul u sameeyeen Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose waxey ku eedeeyay Madaxda DFS in ay ku takrifalayaan Awoodii Dowladnimo ee loo dhiibay.

Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Madaxda DFS sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare C.wali in ay dhiiri gelinayaan in Dadka ay raacaan Al Shabaab islamarkaana Al Shabaab ay yeeshaan Awood badan.

Xildhibaan Axmed Cumar Isloow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo isna ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay u tafaxeeteen in Beelo gaar ah ay xuquuqdooda ay ku tuntaan isagoo ka dalbaday Beesha Caalamka in aysan taageerin islamarkaana aysan dhaqaalo ku bixin sida uu hadalka u dhigay Guddiga Farsamo ee loo qorsheeyay in Maamul ay u dhisaan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hooe.

Tan iyo markii ay magacaabeen Madaxda Dowladda Soomaaliya Guddiga Farsamo oo ka kooban 18-ka Xubnood ee loogu talagalay in Maamul Goboleed ay u dhisaan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose ayaa waxaa isa soo tarayay eedeymaha loo jeedinayo Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Shabelle