Dabley hubeysan ayaa goor dhow ku weeraray degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia iyagoo midna dilay mid kalena dhaawacay.
Wararka ayaa sheegaya gaari ay wateen labo xildhibaan oo kala ahaa xildhibaan Maxamed Xasan Xeyd iyo xildhibaan C/llaahi Coonka ay rasaas ku fureen dabley hubeysan xili ay marayeen agagaarka Hotel lagu magacaabo Central.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in kooxaha dilka iyo dhaawaca u geystay xildhibaanadan ay ku baxsadeen gaari ay wateen oo daba socday gaariga ay xildhibaanadu la socdeen.
Gudoomiyaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir oo hadlay ayaa xaqiijiyey geerida xildhibaan Xeyd iyo dhaawaca xildhibaan Coonka.
Xildhibaan C/llaahi Coonka oo aan qadka telefanka kula xiriirnay aya sheegay inuu qabo dhaawac aad u fudud, iyadoo sidoo kale weerarkaas uu ku geeriyooday askari ilaalo ahaan ula socday xildhibaanada.
Warkii