Wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, xildhibaanno, diblomaasiyiin, ganacsato, haween iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa ka qeyb galay daah furka Shirkadda Duulimaadka ee Fly Olympic oo dhawaan duulimaadyo toos ah ka bilawday Muqdisho iyo wadamada reer Yurub, taasi oo fududeyn doonto muwaadinta Soomaaliyeed ee dooneysa inay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyo kuwa kale ee doonaya in ay aadaan dalka dibadiisa.
Munaasabaddii lagu daah furayay shirka duulimaadka ee Fly Olympic oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ugu horeyn ka hadashaday Xaliimo Ismaaciil Ibaahim “Xaliimo Yareey” Gudoomiyaha dalladda urarada bulshada rayidka ayaa uga mahadcelisay dhalinyarada ganacsatada ah ee fududeeyay in bulshada Soomaaliyeed ay helaan duulimaadyo toos ah.
Qunsulka Soomaaliya ee Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo isna ka mid ah dadkii ka hadlay goobta ayaa sheegay in dhalinyaradan ganacsatada ah ay jaaliyadda Soomaaliyeed ugu fududeeyaan sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa dadka aan haysanin inay iska bixiyaan lacagaha duulimaadka, iyagoo duulimaad kasta dalka u soo qaadi jiray tiro dad ah.
Maxamuud Cabdullaahi Wehliye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka ayaa ku booriyay ganacsatada dalka ka hirgelisay duulimaadyada tooska ah ee isku xiraya Soomaaliya iyo dalalka Yurub, isagoo bogaadiyay in talaabooyinkaasi horumarka leh in la sii labo jibaaro.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Saciid jaamac Cali Qoorsheel ayaa sheegay in shirkad kasta oo dooneysa in ay dalka ku soo kordhiso adeegyo duulimaad oo casri ah ay soo dhaweynayaan, suuqana uu u furanyahay ganacsatada daneyneysa inay ka qeyb qaataan horumarka dalka.
Ugu dambeyn ganacsatada shirkad Duulimaadka Fly Olympic ayaa Wasiirka duulista Hawada guddoonsiiyay hadiyad ay ugu talagaleen, waxaana ay shirkadda ay qeyb ka noqoneysa shirkadaha duulimaadyada sameeya, taasi ah talaano horumar leh.
Radio Muqdisho